Loading...

Wasiirka caddaaladda Puntland oo soo xiray Tartan aqooneedka Kediska Kobciye ee Raadiyo Sahan (Sawirro)

Garowe – Idaacadda maxaliga ah ee Sahan ee magaalada Garowe ayaa maanta soo geba-gebaysay tartan aqooneedka Kediska Kobciye oo ay qabato bisha Ramadaan. Tartankan ayaa ahaa mid noociisu cusub yahay oo ay ku tartamayeen shakhsiyaad meelo kala duwan idaacada kala soo xiriirayay si furan oo caddaalad ah.

Cabdullaahi Cali Cabdullahi oo ah 18 jir dhigta dugsiga sare ee Gambool ee Garowe una tartamayay si madax-banaan ayaa kaalinta koowaad ka galay dhibco tirsigii Kediska Kobciye ee Raadiyo Sahan, sidoo kale Cabdullahi Cabdinuur iyo Cabdiweli Axmed Cumar oo heer dugsi sare ah ayaa kala galay kaalimaha labaad iyo saddexaad ee tartankan.

Wasiirka caddaaladda, diinta iyo Aw-qaafta ee dowladda Puntland Saalax Xabiib Jamac oo ka qayb-galay munaasabadda hadalna ka jeediyay ayaa boggaadiyay Tartanka iyo tartamayaasha. Dabadeed wasiirku wuxuu tartamayaasha guddoonsiiyay aqoonsiyo loogu tala-galay oo lagu xaqiijinayay kartidooda.

Sheikh Mukhtaar Axmed Faarax oo Guddoomiye u ah mu’asasada Al-minhaaj ayaa isna abaal-marino dhaqaale iyo hadiyado kale oo ay bixiyeen Idaacadda Sahan, mu’asasada Al-minhaaj wuxuu guddoonsiiyay saddexda guulayste ee tartanka ku soo baxay. Jubba Water Company ayaa iyana sidaas oo kale abaal-marin qiimo leh waxay guddoonsiisay  guddigii Tartankan hoggaaminayay.

Hay’adda SFS oo iyadu tartanka marti-gelinaysay ayaa iyana shahaado sharafyo siisay mu’asasada Al-minhaaj iyo shirkadda Jubba Water Company doorkooda taageero iyo maal-gelineed ee kediska Kobciye.

“ujeedadu waxay ahayd in la abuuro fursad baaxad leh oo aqoon is weydaarsi ah, in kor loo qaado garaadka iyo wacyiga dhalinyarada, iyo in ay bulshadu ku nastaan barnaamijka galab walba maadama ay Rammadaan ahayd. Wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan oo ay adkayd fursadiisa ka qayb-gal in si fudud lagu soo galo,” ayuu yiri Cabdulmajiid Cali Faarax, gudoomiyaha guddiga Tartanka ee Raadiyo Sahan.

Agaasimaha Sahan Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji ayaa munaasabada ka sheegay in Tartamada noocaan ah ay idaacaddu sii wadi doonto isla markaasna ay ugu tala-gashay in ay ku horumariso wacyiga bulsho ee dhinaca aqoonta. Wuxuu xaqiijiyay in baaxadda idaacadda ee gobollada Sool iyo Nugaal in ay tahay fursad weyn oo ay dhegaystayaasha ku xiran ugu abuuri karaan doodo isbedel dhalin kara.

Wasiirka caddaaladda Puntland, taliyaha la dagaalanka argagixisadda Gen. Muxyadiin, Kusimaha Agaasimaha hay’adda SFS, culimo iyo madax kale oo ka socday shirkadaha ganacsiga ayaa ka qayb-galay munaasabadda lagu soo xirayay tartanka kediska Kobciye ee idaacadda SAHAN.

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




DAAWO SAWIRO: Shacabka Somaliland oo u dareeray codbixinta iyo Gobollo ay ku fashilmen inuu shacabka ka codeeyo
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saakay oo Isniin ah waxay u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka, waxaana qof ...
Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta.
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad ...
DEG DEG: General Moorgan oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi &Moorgan oo wacad ku maray in hadii…
- Nov 13, 2017
General Maxamed Xirsi Moorgan ayaa ka hadlay hadal hanjabaad ah oo kasoo yeerayay siyaasiyiinta ...
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland.
- Nov 13, 2017
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland. Ciidamada Gobolka ...
Laascaanood 11-11-2002 Cabdulaahi Yusuf Vs Riyaale iyo Muuse Biixi. Taariikh qoran oo la ilaawi karin.
- Nov 13, 2017
Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale oo wafdigiisana uu kamid ahaa Muuse Biixi ayaa goor Maqrib ...
WAR FARXAD LEH: Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkii ugu Horeeyay ku Qaaday alshabaab iyo Dhimashada oo…
- Nov 12, 2017
Dowladda Federaalka ayaa dhowaan waxay ku dhowaaqday dagaallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab, kaasi ...
Daawo: Xafladii Xalay ee Dj Subeer oo lagu arkay arrin ka Yaabisay Soomaali badan Kadib Markii…
- Nov 12, 2017
Xafladii xalay ee ka dhacday magaalada Gotenburg ee dalka Sweden ayaa kusoo dhammaatay guul ...
Maamo Franko oo Banaanka Keentay Sirta Dahir alasow iyadoo dayax dalnuurshe runta u…
- Nov 4, 2017
maamo franko ayaa markii ugu horaysay kabaha la dulmartay dahir alasow iyadoo sheegtay inuu ...
XOG: Qaraxii Soobe oo la isku heysto & Khilaaf soo kala dhex galay Somalia & dowladaha caalamka sababta ogow
- Nov 4, 2017
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wakaalada somalisun u sheegay in Madaxda dalka ay ...
XOG: Beesha Xawaadle oo Mowqif adag ka Istaagtay Xilka qaadistii Sambalooshe & Go’aan loo Gudbiyay Madaxda
- Nov 4, 2017
Xog gaara oo ay heshay Wakaalada somalisun ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle ay si ...
(SIR CULUS)Donald Trump oo maanta sheegay hadal xanuun ku ah somalia(Muxuu yahay tallow?)
- Nov 4, 2017
DEG-DEG: Donald Trump oo ku dhowaaqay go’aan aan niyad ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo ...
WARDEG DEG AH:oo naga soo gaarey Bariga Bosasso iyo Hogaamiyihi daacish oo la dilay..
- Nov 4, 2017
Maraykanka ayaa goor dhowayd si toos ah u shaaciyay inuu labo weerar oo duqayn ...