Loading...

DAAWO/Madaxweyne Gaas“Wan ognahay Ganacsatada Reer Bosasso inay canshuur baada siiyaan Alshabaab“Tan Puntland haday diidaana Qori caaradii…

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Jimce ah shir Jaraa’id oku qabtay aqalka Madaxtooyadda magaalada Garoowe. SHirka jaraa’id ayaa Madaxweynuhu uga hadlay cashuuraha laga doonayo in ay muwaadiniinta reer Puntland bixiyaan.RIIX HALAKAN :DAAWO MUUQAALKA.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa ugu horayn shacabka reer Puntland u sheegay in haddii aan cashuurta la bixinin aanay dawladdnimo jiraynin.

RIIX HALAKAN :DAAWO MUUQAALKA.

“…Waxaan rabaa dadka reer Puntland inaan ku wacyi gelino hadii aan cashuur la bixin in aanay dawladd-nimo jiraynin, majiro aduunka dal dawladd-nimadiisu shaqayso horumar gaara haddii aan shacuur la bixin, adduunka maahmaah baa jirta oo la istimaalo ‘wax la hubo cashuur iyo dhimashaa jirta’ taasina ay micneheedu tahay in dadku ay bixiyaan cashuurta, dawladdnimadana uu awelkeedu ka bilaabmo cashuur, kuna dhammaato bixinta cashuurta, dawladd-nimo ma jirayso, nidaam iyo kala danbayn ma jirayso, amni majirayo, horumar majirayo hadii aan cashuurta la bixinin…..”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

RIIX HALAKAN :DAAWO MUUQAALKA.

 

Maalmihii u danbeeyey waxaa ka taagnaa magaalada Bosaso in qaar kamid ah ganacsatadu ay xireen goobahoodi ganacsiga, kadib markii laga dalbadey dadka guryaha kirada ugu jiraa in ay bixiyaan canshuurta taas oo la isku maandhaafey cidda lagu lee yahay ma hantiilaha gurigaa mise waa qofka kiresystey, taas oo Madaxweynuhu ku sheegay shirkiisa saxaafadeed in lagu lee yahay hantiilaha guriga.

Ma jiro debni ka weyn oo laga galo dowladnimada cashuurta oo la diido

Madaxweynaha ayaa shirkiisi saxaafadeed ku sheegay in dawladda ay u taalo hawlo badan oo ay masuuliyadi ka saaran tahay, taas oo ay ka mid tahay sugida ammniga, bixinta mushaharaadka iyo horumarinta dalka, waxaana ay taasi suura gelaysaa marka ay iskaashadaan shacab iyo dawladduba. Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in shacabka Puntland aan laga qaadin wax cashuura ee keliya dawladdu ay qaado khidamaad yar oo dekedda ka soo xerooda, waxaana uu madaxweynuhu faahfaahiyey cashuurta ay ka doodayaan ganacsatadda magaaladda Boosaaso ay tahay 4% mid waajibtey hantiilaha gurriga (landlord) oo u dhiganta lacagta dollar-ka $28.

Madaxweynaha Puntland ayaa ganacsatada qaarkood ku eedeeyey in ay lacago baad ah ama canshuur siiyaan al-Shabaab waxaana uu yiri:RIIX HALAKAN :DAAWO MUUQAALKA.

“….Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay? micneheedu waxay tahay Al-shabaab waa dilikaraan laakiin dawladdu ima dilikarto imana xidhi karto weeye, qof ka noocaasi anaga wuxuu noola mid yahay dabcan Al-shabaab saas ayaan u qaadanaynaa, waa qof raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo Al-shabaab, saas anoo u sheegay dadka shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aaminsan dawladd-nimada.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay kuna booriyey in ay nidaamka dhawraan, inay midnimadoodda adkaystaan, in cidii shidda wadda ay ka horyimaadaan iyo in cashuurtu waa waajibe ay bixiyaan.RIIX HALAKAN :DAAWO MUUQAALKA.

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Diyaaradaha Mareykanka oo gudaha u galay Kuuriyada Waqooyi & Xiisadii ugu xooganeyd oo taagan
- Sep 24, 2017
Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee Maraykanku ayaa dulmaray meel u dhow xeebaha bari ...
RW Itobia oo ku dhawaaqay war yaab leh iyo inay AMISON aysan marnaba ka baxayn Somalia.
- Sep 24, 2017
 NEW YORK (SOMALISUN.NET)– Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn oo ka hadlay Shir ay Madaxda Dowladaha ...
Wasiirka arrimaha dibeda Imaaraadka oo 3 talo usoo jeediyay R/W Kheyre
- Sep 24, 2017
(Somalisun News)---Ra’isal wasaaaraha xukuumadda Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa kulan khaasa magaalada New York ...
Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay Hubka sharci darada ahaa ee lagu qabtay Doonida
- Sep 23, 2017
Ciidamadda badda Puntland ee PMPF ayaa magaaladda Bosaso ku soo bandhigay qayb ka mid ...
WAR DEG DEG AH:Ictisaam oo makii ugu horaysay ka hadlay arintii Nabi Maxamed NNKH loogu gafay
- Sep 23, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=fyDgLidywug
Daawo:Cali Xaaji warsame“Puntland waxaa kusoo wajahan halis aad u xun“
- Sep 23, 2017
Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo khudbad dheer u jeediyay dhalinyaro reer Puntland ayaa ka ...
Daawo: Qosolka Barnaamijka Maslaxa Furna, Gabar Galmudug ka Timaaday oo ka Yaabisay
- Sep 23, 2017
https://youtu.be/fNHIQNX98oI
DEG DEG: Alshabaab iyo Kenya oo Wada hadal u Furmay Iyo Xogo Cusub oo Sheegaya in Ay ISa Soo DHiibayan.
- Sep 23, 2017
Warar hoose oo ay heshay wakaaladda wararka ee Somalisun.net ayaa waxay sheegayaan in hadda wadahadal ...
Daawo: Masiixi Mohamed Diinooz oo Diinta Islaamka Lacag Dhaafsaday iyo Lacagtii oo looga Baxay
- Sep 23, 2017
Mohamed diinooz ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku biiray koox calooshood u shaqaystayaal ah oo ...
Wax ka ogow Somalida iyo Qoomiyada Oromada ma dad is dhalaybaa ?
- Sep 21, 2017
Isbuucii la soo dhaafay waxa uu dagaal dhexmaray Soomaali iyo Oromo wada degga bariga ...
Muxuu ku saabsanaa Shirkii ay wada yeesheen Erdogaan & Xasan Kheyre?
- Sep 21, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gaar gaar ah kula ...
DEG DEG :Askari Toogtay Saaxiibtiis kadib markii ay diiday Inuu Qasab ku guursado.
- Sep 19, 2017
Nairobi,(Somalisun)----Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka dhacay Saacadihii lasoo dhaafay dil aad ...