Khadkii Internet-ka Muqdisho oo dib usoo Laabtay iyo Shacabka Muqdisho oo farxad darteed….

Waxaa goor dhoweyd dib usoo laabtay Koonfurta Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho adeegga Internetka oo muddo 22 maalmood ah maqnaa.

Cilad bixin bilaabatay Jimcihii 14-ka bishan ayaa dib loogu dayac tiray fiilooyinkii Fiber Optic oo uu gooyay marka ganacsi 24-kii June oo ku beegneyd habeenkii ciidul fitriga.

Shirkadda Dalkom oo mas’uul ka ah adeegga Internetka Xarkaha ku shaqeeya ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib uga shaqeysiiso Internet-ka.

Waxaa la dareemayaai nuu si tartiib ah khadka dib ugu soo laabtay saaka 10-ki subaxnimo, inkastoo dad badan aysan wali wada ogaanin soo laabashada Internetka, waxaa shaqada internetka laga ogaaday shirkadaha Xawaaladaha, xafiisyada gaarka ah iyo Bankiyada.

Shirkadaha bixiya adeegga internetka ayaa hadda ku howlan inay macaamiishooda u fasaxan internetka iyadoo qaarkood ay horeba u fasaxeen. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay shidmaan baraha bulshada oo si weyn looga dareemay dadkii Muqdisho iyo koonfurta Soomaalida oo ahaa kuwa ugu badan ee shidi jiray baraha Soomaalida.

Khasaare ka badan 200 Milyan doolar ayaa la sheegay inay kentay internet la’aanta ka jirtay koonfurta Soomaaliya.

Share

Fikradaha Akhristayaasha (0)




XOG CUSUB: Itoobiya Maxaa Loogu Bedalay Maxaabiista Soomaaliyeed ee ay sii deysay?
- Jul 22, 2017
Dowladda Itoobiya ayaa waxay maanta magaalada Muqdisho keeneysaa maxaabiis ka badan 100 kuwaasi oo ...
WAR DEG DEG AH-Barlamaanka oo goor dhoweyd cod aqlibiyad leh ku joojiyey go’aankii.
- Jul 22, 2017
Kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka socda Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,waxana ...
DEG-DEG: Garowe: Orgi weerar kusoo qaaday dad shacab ah dhaawacayna todobo qof.
- Jul 22, 2017
Ku dhawaad todobo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa waxyeelo kala duwani ...
XOG: Al-shabaab oo weerar halis ah la damacsan wasiirada Kheyre (Goorma?
- Jul 18, 2017
Xog ay si hoose u heshay wakaaladda wararka ee Somalisun Media ayaa waxay sheegeysaa ...
XOG: Yaa Ka Dambeeyay In La Rido Xukuumadda Gaas (Shaqsi Aan La Fileyn)
- Jul 18, 2017
Wakaaladda wararka ee Somalisun.net ayaa xog hoose waxay ku heshay cidda sida rasmiga ah ...
(WARBIXIN+SAWIRO)Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Kenya oo hoggaan cusub doortay &Saafarada dalka Kenya oo…
- Jul 17, 2017
Nairobi,(Somalisun.net)------Waxaa Maalinkii shalay ee Axada bishuna ku beegnayd 16 -ka Julaay Doorasho si heer ...
(Duqayn)Dadkii oo barooranaya,in ka badan 10 qof oo mayd ah iyo Duqayn lagu waddo wali deegaanka…
- Jul 17, 2017
Dad ku dhaw deegaanada la duqeeyey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in duqeynta ayaa ka ...
XOG CUSUB: Agaasimaha Madaxtooyadda oo ka hortagay Qorshe uu MD Farmaajo Xilka uga qaadi lahaa Masuul caan ah
- Jul 17, 2017
Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji ayaa la sheegay inuu dhexda ka qabtay qorshe ...
AKHRISO WARBIXN iyo Qaabka ay Somalia marlabaad uga badbaadi karto Internet La`aan.
- Jul 17, 2017
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku baaqay in ...
WAR DEG AH-Kalfadhigii barlamaanka Soomaaliya oo maanta xasaasi ahaa iyo halis xildhibaanada barlamaanka hadda..
- Jul 17, 2017
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa maanta shir gudoomin doona kulanka ...
Khadkii Internet-ka Muqdisho oo dib usoo Laabtay iyo Shacabka Muqdisho oo farxad darteed….
- Jul 17, 2017
Waxaa goor dhoweyd dib usoo laabtay Koonfurta Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho adeegga Internetka oo ...
XOG RASMI AH: M/weyne Farmaajo oo la Ogaaday Qorshahiisa Puntland
- Jul 17, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu ...