Loading...

(WARBIXIN+SAWIRO)Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Kenya oo hoggaan cusub doortay &Saafarada dalka Kenya oo…

Nairobi,(Somalisun.net)——Waxaa Maalinkii shalay ee Axada bishuna ku beegnayd 16 -ka Julaay Doorasho si heer sare ah loo soo gaasimay ka dhacday Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya oo lagu dooranaayey Hogaan cusub oo uu yeelanaayo Ururka Ardeyda Soomaaliyeed Somali students Association in Kenya oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan (SSAK).

Doorashadan oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga doorashada ee Ururka ayaa waxaa ku tartamayay Afar musharax oo kala ahaa; Cabdiqadir Cabdi Diini,C/raxman Xasan Cumar,Raxma Mire Siciid iyo Xuseen Baaruud Gaaxnuug.

Ardayda kasoo qaybgashay doorashada ee codkooda dhiibanayay ayaa ka kala yimid Jaamacaddaha dalkan, waxaana ay tiradoodu kor u dhaafayeen 400 oo aad u xiiseynayay in ay ka qayb qaataan doorashada Ururka .

Masuuliyinta kasoo qaybgashey Xafladda waxaa kamid ahaa; Siihayaha Safiirka Safaaradda ,Xildhibaano,Masuuliyiin iyo sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa xaflada ka hadlay Gudoomiyaha kumeel gaarka ee guddiga doorashada Eng Keyse Muuse Ali oo ku booriyay ardayda kasoo qaybgalayaasha inay si hufan codkooda u dhiibtaan, isagoo sharaxaad ka bixiyey xeerarka doorashada.

Sidoo kale waxaa isaguna xaflada khudbad qiimo badan ka jeediyay xubin kamid ah guddiga doorashada C/qaadir (Oday Cadnaan) isagoo ka warbixiyay howshii adkayd ee usoo dhabar adeegeen si ay ardayda Soomaaliyeed u hesho nidaam iyo in la doorto hogaanka cusub ee ururka.

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee ururka ardayda Soomaaliyeed Maxamuud Xasan Abdullahi oo goobta ka hadley ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxqabadkoodii inta ay xilka hayeen.

Khudbadaha kadib ayaa Tartanka Doorashada Gudoomiyaha ka tanaasushay Musharaxad Raxma Mire Siciid Intaas kadib waxaa la guda galay codeynta, waxaana codeynta kadib guddiga doorashada ku dhawaaqeen natiijada markii la tiriyey codadka, iyadoo Doorashadu ahayd Laba wareeg,Wareegii koowaad waxaa ku haray Cabdiqadir Cabdi Diini,Waxaa loo gudbay Wareegii labaad oo ay isugu soo kala haray labada musharax ee kala ahaa C/raxman Xasan Cumar iyo Xuseen Baaruud Gaaxnuug, waxaana halkaas ku guuleystay Gudoomiyaha cusub ee ururka ardayda Xuseen Baaruud Gaaxnuug oo xilka haynaya mudo sanad ah.

Natiijada doorashada kadib waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Cusub ee ardeyda isagoona mahadcelin balaaran ujeediyay guddiga doorashada howsha wanaagsan ay qabteen, wuxuuna ballan qaadey in ay wada shaqeyn doonaan Safaarada iyo dhamaan wixii ardey Soomaaliyeed ah ee ku nool dalkani Kenya.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda soo xirey Kusimaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh “Cali Bagadi” oo ka Hadley kaalinta ay leeyihiin ardeyda Soomaaliyeed kuna booriyey in ay xooga saaraan waxbarashada, wuxuuna soo dhoweeyay doorashada Gudoomiyaha cusub  isla markaana ballan qaadey in ay Safaaradda ay la shaqeyn doonto.

Somalisun.net

Nairobi

Said Mohamed(Said lion)

La soco Waan soo dhamaystireynaa Sawirda kuwaani waa kuwo hordhac ah 

 

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




DAAWO SAWIRO: Shacabka Somaliland oo u dareeray codbixinta iyo Gobollo ay ku fashilmen inuu shacabka ka codeeyo
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saakay oo Isniin ah waxay u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka, waxaana qof ...
Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta.
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad ...
DEG DEG: General Moorgan oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi &Moorgan oo wacad ku maray in hadii…
- Nov 13, 2017
General Maxamed Xirsi Moorgan ayaa ka hadlay hadal hanjabaad ah oo kasoo yeerayay siyaasiyiinta ...
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland.
- Nov 13, 2017
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland. Ciidamada Gobolka ...
Laascaanood 11-11-2002 Cabdulaahi Yusuf Vs Riyaale iyo Muuse Biixi. Taariikh qoran oo la ilaawi karin.
- Nov 13, 2017
Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale oo wafdigiisana uu kamid ahaa Muuse Biixi ayaa goor Maqrib ...
WAR FARXAD LEH: Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkii ugu Horeeyay ku Qaaday alshabaab iyo Dhimashada oo…
- Nov 12, 2017
Dowladda Federaalka ayaa dhowaan waxay ku dhowaaqday dagaallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab, kaasi ...
Daawo: Xafladii Xalay ee Dj Subeer oo lagu arkay arrin ka Yaabisay Soomaali badan Kadib Markii…
- Nov 12, 2017
Xafladii xalay ee ka dhacday magaalada Gotenburg ee dalka Sweden ayaa kusoo dhammaatay guul ...
Maamo Franko oo Banaanka Keentay Sirta Dahir alasow iyadoo dayax dalnuurshe runta u…
- Nov 4, 2017
maamo franko ayaa markii ugu horaysay kabaha la dulmartay dahir alasow iyadoo sheegtay inuu ...
XOG: Qaraxii Soobe oo la isku heysto & Khilaaf soo kala dhex galay Somalia & dowladaha caalamka sababta ogow
- Nov 4, 2017
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wakaalada somalisun u sheegay in Madaxda dalka ay ...
XOG: Beesha Xawaadle oo Mowqif adag ka Istaagtay Xilka qaadistii Sambalooshe & Go’aan loo Gudbiyay Madaxda
- Nov 4, 2017
Xog gaara oo ay heshay Wakaalada somalisun ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle ay si ...
(SIR CULUS)Donald Trump oo maanta sheegay hadal xanuun ku ah somalia(Muxuu yahay tallow?)
- Nov 4, 2017
DEG-DEG: Donald Trump oo ku dhowaaqay go’aan aan niyad ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo ...
WARDEG DEG AH:oo naga soo gaarey Bariga Bosasso iyo Hogaamiyihi daacish oo la dilay..
- Nov 4, 2017
Maraykanka ayaa goor dhowayd si toos ah u shaaciyay inuu labo weerar oo duqayn ...