Loading...

DEG DEG :Gudiga doorashada kenya Oo ku dhawaaqay Xiliga natiijada Doorashada La shaacinaayo.(Waa maalintee)

(Somalisun.net)——Kenya:–Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegey in natiijada kama dambeysta ah lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in natiijooyinka hadda la soo gudbiyay aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtay.

Mar wax laga weeydiiyey eedeynta hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ee ah in la jabsaday habka electaroonika ee guddiga, kadibna lagu shubtey codadka ayaa waxa uu yiri “Waan baari doonaa sheegashaadaasi, balse hadda waxba kama oran karo”.

Wasaarada amniga ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aysan heli warar ku saabsan iska horimaadyo iyo rabshado dalka ka dhacay, wax walbana u socdaan sidii caadiga aheyd.

Wasiirka amniga Fred Matiang’I ayaa sheegay in ay ka fikirayaan xannibaad la saaro baraha bulshada oo sida uu hadalka u dhigay ah halka laga huriyo colaadaha iyo isku dhacyada rabshadaha wata.

Kenya ayaa hadda u baahan in ay ka gudubto imtixaan adag oo hor yaala kaddib doorashadii shalay dhacday, waxaana si gaar ah isha looga wada hayaa fal celinta dhinacyada loolamaya ka bixin doonaan marka laga dhawaaqo natiijada rasmiga ah.

Hadalka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ee ah in uusan ku qanacsaneyn natiijada hor dhaca ah ayaa dad badan oo Kenyaan ah ku abuuraya shaki la xiriira qalalaase la filan karo

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




DAAWO SAWIRO: Shacabka Somaliland oo u dareeray codbixinta iyo Gobollo ay ku fashilmen inuu shacabka ka codeeyo
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saakay oo Isniin ah waxay u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka, waxaana qof ...
Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta.
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad ...
DEG DEG: General Moorgan oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi &Moorgan oo wacad ku maray in hadii…
- Nov 13, 2017
General Maxamed Xirsi Moorgan ayaa ka hadlay hadal hanjabaad ah oo kasoo yeerayay siyaasiyiinta ...
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland.
- Nov 13, 2017
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland. Ciidamada Gobolka ...
Laascaanood 11-11-2002 Cabdulaahi Yusuf Vs Riyaale iyo Muuse Biixi. Taariikh qoran oo la ilaawi karin.
- Nov 13, 2017
Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale oo wafdigiisana uu kamid ahaa Muuse Biixi ayaa goor Maqrib ...
WAR FARXAD LEH: Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkii ugu Horeeyay ku Qaaday alshabaab iyo Dhimashada oo…
- Nov 12, 2017
Dowladda Federaalka ayaa dhowaan waxay ku dhowaaqday dagaallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab, kaasi ...
Daawo: Xafladii Xalay ee Dj Subeer oo lagu arkay arrin ka Yaabisay Soomaali badan Kadib Markii…
- Nov 12, 2017
Xafladii xalay ee ka dhacday magaalada Gotenburg ee dalka Sweden ayaa kusoo dhammaatay guul ...
Maamo Franko oo Banaanka Keentay Sirta Dahir alasow iyadoo dayax dalnuurshe runta u…
- Nov 4, 2017
maamo franko ayaa markii ugu horaysay kabaha la dulmartay dahir alasow iyadoo sheegtay inuu ...
XOG: Qaraxii Soobe oo la isku heysto & Khilaaf soo kala dhex galay Somalia & dowladaha caalamka sababta ogow
- Nov 4, 2017
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wakaalada somalisun u sheegay in Madaxda dalka ay ...
XOG: Beesha Xawaadle oo Mowqif adag ka Istaagtay Xilka qaadistii Sambalooshe & Go’aan loo Gudbiyay Madaxda
- Nov 4, 2017
Xog gaara oo ay heshay Wakaalada somalisun ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle ay si ...
(SIR CULUS)Donald Trump oo maanta sheegay hadal xanuun ku ah somalia(Muxuu yahay tallow?)
- Nov 4, 2017
DEG-DEG: Donald Trump oo ku dhowaaqay go’aan aan niyad ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo ...
WARDEG DEG AH:oo naga soo gaarey Bariga Bosasso iyo Hogaamiyihi daacish oo la dilay..
- Nov 4, 2017
Maraykanka ayaa goor dhowayd si toos ah u shaaciyay inuu labo weerar oo duqayn ...