Loading...

DEG DEG:Alshabaab oo gacanta ku dhigtay xaruntii uu degenaa Abuu Mansuur iyo Maydadka oo yaacsan ….

Wararkii ugu dambeeyay oon ka helnay gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya dagaalyahanada Al Shabaab iyo dagaalyahano kale oo taabacsan Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur uu sii xoogeestay kuna sii fiday deegaano hor leh.

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa dhoor jiho ka weeraray Deegaanka Abal uu ku sugnaa Abuu Mansuur, waxaana deegaankaasi saakay ka dhacay dagaal xoogan oo dhiig badan ku daatay, waxaana ugu dambeyn deegaankaasi dagaal kula wareegay dagaalyahanada Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa isku fidisay deegaanka Abal ay kala wareegeen kooxdii taabacsaneed Abuu Mansuur, waxaana dagaalka hada uu ka socda dhinaca howdka ay iskula baxeen labada dhinac ee dagaalama.

Meydadka dagaalyahano katirsan labada dhinac ee dagaalamaya ayaa lagu soo waramayaa in ay yaalaan deegaanka Abal iyo duleedkeeda, waxaa sidoo kale jira gaadiid dagaal iyo hub badan oo labada dhinac kala qabsadeen.

Al Shabaab ayaa helaya gurmad badan oo uga imaanaya gobolo kala duwan, waxaana dagaalka uu hada u muuqdaa in looga awood sareeyo ciidamadii taabacsanaa Sheekh Muqtaar Abuu Mansuur kuwaa oo u badnaa kuwa ku heyb ah.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu ka dalbaday in ay gurmad u diraan, waxa uuna sheegay Afhayeenka mamaulkasai in ciidamo gurmad ah oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed loo dirayo Abuu Mansuur.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin duulaanka ay ku qaadeen deegaankii uu ku suganaa Abuu Mansuur oo mar soo noqday kuxigeenka Amiirka kooxdaasi , sidoo kale ma jiro war kasoo baxay dhinaca Abuu Mansuur oo isna dagaalkaasi ku aadanaa.

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




XOG XASAASI AH :Yaa ka dambeeyey qaraxii sida weyn loogu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zope?
- Oct 17, 2017
Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ayaa ku dhimatay qaraxii labo cisho ka hor ...
WARBIXIN: Gen. Cirfiid & Wasiir C/rashiid Is Casilaadoodii Kadib Maxaa Amniga Faraha Ka Bixiyey?
- Oct 15, 2017
Taliyahii Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa Khamiistii duhurnimadeedii Xilka iska Casilay ...
Golaha Kismayo, Golaha Cadan-Yemen & Golaha Dubruq ee Libiya! Maxaa ka dhexeeya?
- Oct 12, 2017
Taariikhda Ummaduhu waxey u Qoraan una Akhriyaan Cibro iyo Waano qaadasho sida; in laga ...
Dib u akhriso Taariikhda Calanka Soomaaliyeed
- Oct 12, 2017
Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka ...
(SAWIRO)Booliska Kenya oo aan waxba ula harin dibadbaxyada Mucaaradka iyo Dowlada oo amar kusoo rogtay sadex magaalo oo…
- Oct 12, 2017
Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo lagu qabto gudaha saddex magaalo oo waaweyn oo ...
Naxdin: Mucjiso la tusay Gabar Xalay Waraysi ka Qaaday Ninkii Qowmu Luudka ahaa ee Live-ka soo Galay
- Oct 10, 2017
Daawo Muuqaalka Gabadha oo ka Sheekaynaysa waxa ku dhacay. https://youtu.be/qoiczoL4N_s
Shirkia Kismaayo: Waxa uu ka jawaabayaa qorshihii qeybi oo xukun
- Oct 8, 2017
Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu maalinta Isniinta si rasmi ah uga furmo ...
QORMO: Shirka Kismaayo, Imaaraadka Carabta iyo qarannimada Somalia
- Oct 8, 2017
Magaalada Kismaayo waxa isugu tagey madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo hadda u dhaqmaya sida ...
Muuqaalka Soomaaligii Weerarka ka geystay Canada oo la shaaciyay
- Oct 3, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa sheegay inay eedo dhinaca argagixisada ah kusoo oogi doonaan nin ...
XOG: Xisbiga Damu-jadiid oo Doonaya inay mar kale Madaxweyne ka noqdaan Galmudug
- Oct 2, 2017
Damu-jadiid ayaa dooneysa inay ka faa’iideystaan xiisada ka taagan Galmudug, iyagoo xildhibaanada maamulkaasi ku ...
XOG: Ciidamo Shariif Xasan ka socda oo Raadinaya Xildhibaano Mooshin wada
- Oct 2, 2017
Warar naga soo gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa ...
”Hadii Muqdisho tagitaankeeda uu dhib keenay mar kale sooma laabaneyso”ayay tiri Fanaanada Yurub Geenyo.
- Oct 1, 2017
Fanaanada Caanka ah ee Yurub Geenyo ayaa maanta ku laabatay magaalada Hargeysa ee xarunta ...