Loading...

Waa kuma Uhuru Kenyatta (Dib u milic Taariikh nololeedkiisa)

Kenya,(somalisun.net)—-Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu mar labaad ku guuleystay xilka madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii uu ka guuleystay ninkii la tartamayay ee Raila Odinga.

Waxaan dib u eegeynaa taariikhda Uhuru Kenyatta oo ah ganacsade uu dhalay asaasihii dowladda Kenya ee madaxweynaha ka noqday dalkaasi markii ay Kenya xoriyadda ka qaaday Ingiriiska.

Uhuru Kenyatta waa nin maalqabeen ah, wuxuuna ka mid ahaa labadii Ra’iisul wasaare ku xigeen ee dowladii lagu heshiisyay qalalaasihii doorashada kadib ee Kenya. Waxaa dhalay ninkii u horseeday Kenya inay xornimada qaadato ee Mzee Jomo Kenyatta, isla markaana noqday madaxweynihii ugu horeeyay, waxaa uu leeyahay magac, sharaf lacageed iyo waliba culeyska ay labadaasi wataan.

Magaca Uhuru waa kalmad sawaaxili ah oo macnaheedu yahay Xoriyad, isagoo sameeyay rikoor cusub oo taariikhi ah markii uu mar labaad xilka madaxtinimada Kenya uu ku guuleystay.

Wuxuu hore u noqdaymadaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Kenya, isagoo dhashay bishii October 1961-kii. Wuxuu aabihii uga dheereeyay hoggaanka Kenya isagoo laba xilli oo 10 sano isku ah hoggaamin doona Kenya.

Inta badan dadka Kenya ma xasuustaan maaliintii bishii July sanadii 1990-kii, markaa oo isaga iyo afar wiil oo kale oo ay dhaleen siyaasiyiin caan ah ay soo saareen war saxaafadeed ay kaga codsanayaan xisbigii talada hayay ee KANU inay furaan hanaanka xisbiyada badan.

Marxaladii ugu muhiimsaneyd ee taariikhda siyaasadeed ee Uhuru waxa ay aheyd markii madaxweynihii hore ee Moi uu u magacaabay inuu noqdo qofka xilka ka badali lahaa, waxay aheyd 2002-dii, go’aankaasna waxa uu ka careysiiyay siyaasiyiin caan ah oo uu ku jiray, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenkii waagaas ee George Saitoti.

Siyaasiyiintaasna waxay go’aansadeen inay isaga baxaan xisbigii KANU waxayna taageereen Mwai Kibaki oo ku guulaystay doorashadii.

Uhuru sidaa ayuu ku lumiyay fursadii ugu horeysay ee uu ku doonayay inuu ku noqdo madaxweyne.

Doorashadii xigtay ee 2007-dii waxa uu taageeray Mwai Kibaki oo doonayay in markale la soo doorto waxayna markaa si dadban isaga hor yimaadeen Raila Odinga.

Ka dib markii la xaliyay murankii ka dhashay doorashadii 2007-dii Uhuru waxa uu noqday Ra’iisul wasaare ku xigeen waxaana loo magacaabay Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu u muuqday shakhsi ku dadaalaya inuu muujiyo inuu yahay qof cagahiisa ku istaagi kara, maadaama markii hore uu ku soo baxay gacan qabad iyo taageerada madaxweynihii hore ee Moi, wuu isaga baxay xisbigii KANU oo waxa uu uga sii gudbay inuu sameysto isbaheysiga la magac baxay The National Allience (TNA), wuxuuna xulufo la sameystay xisbiyo kale si uu hamigiisa u gaaro.

Waxaa si dhib leh uga badbaaday maxkamadda cadaaladda adduunka ICC oo dacwadi uga furneyd muddo dheer, isagoo ku sigtay in mustaqbalkiisa siyaasadeed uu mugdi galo.

Wargeyska caanka ah ee ka faaloodaa maalqabeenada ee Forbes ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu ka soo galayo kaalinta 23-aad dadka ugu qanisan qaarada Afrika, waxa uuna wargeysku hantidiisa ku qiyaasay $500 oo milyan oo doolar.

Dhanka kale, Uhuru waxa uu si dhaqsa ah ugu hormarayaa ka ganacsiga iyo maalgashiga warbaahinta. Reerkiisa ayaa waxa ay lee yihiin xarun TV, wargeys iyo dhowr idaacadood oo ka howlgala dalka Kenya.

Nairobi,Kenya.

Said lion

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




XOG XASAASI AH :Yaa ka dambeeyey qaraxii sida weyn loogu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zope?
- Oct 17, 2017
Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ayaa ku dhimatay qaraxii labo cisho ka hor ...
WARBIXIN: Gen. Cirfiid & Wasiir C/rashiid Is Casilaadoodii Kadib Maxaa Amniga Faraha Ka Bixiyey?
- Oct 15, 2017
Taliyahii Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa Khamiistii duhurnimadeedii Xilka iska Casilay ...
Golaha Kismayo, Golaha Cadan-Yemen & Golaha Dubruq ee Libiya! Maxaa ka dhexeeya?
- Oct 12, 2017
Taariikhda Ummaduhu waxey u Qoraan una Akhriyaan Cibro iyo Waano qaadasho sida; in laga ...
Dib u akhriso Taariikhda Calanka Soomaaliyeed
- Oct 12, 2017
Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka ...
(SAWIRO)Booliska Kenya oo aan waxba ula harin dibadbaxyada Mucaaradka iyo Dowlada oo amar kusoo rogtay sadex magaalo oo…
- Oct 12, 2017
Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo lagu qabto gudaha saddex magaalo oo waaweyn oo ...
Naxdin: Mucjiso la tusay Gabar Xalay Waraysi ka Qaaday Ninkii Qowmu Luudka ahaa ee Live-ka soo Galay
- Oct 10, 2017
Daawo Muuqaalka Gabadha oo ka Sheekaynaysa waxa ku dhacay. https://youtu.be/qoiczoL4N_s
Shirkia Kismaayo: Waxa uu ka jawaabayaa qorshihii qeybi oo xukun
- Oct 8, 2017
Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu maalinta Isniinta si rasmi ah uga furmo ...
QORMO: Shirka Kismaayo, Imaaraadka Carabta iyo qarannimada Somalia
- Oct 8, 2017
Magaalada Kismaayo waxa isugu tagey madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo hadda u dhaqmaya sida ...
Muuqaalka Soomaaligii Weerarka ka geystay Canada oo la shaaciyay
- Oct 3, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa sheegay inay eedo dhinaca argagixisada ah kusoo oogi doonaan nin ...
XOG: Xisbiga Damu-jadiid oo Doonaya inay mar kale Madaxweyne ka noqdaan Galmudug
- Oct 2, 2017
Damu-jadiid ayaa dooneysa inay ka faa’iideystaan xiisada ka taagan Galmudug, iyagoo xildhibaanada maamulkaasi ku ...
XOG: Ciidamo Shariif Xasan ka socda oo Raadinaya Xildhibaano Mooshin wada
- Oct 2, 2017
Warar naga soo gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa ...
”Hadii Muqdisho tagitaankeeda uu dhib keenay mar kale sooma laabaneyso”ayay tiri Fanaanada Yurub Geenyo.
- Oct 1, 2017
Fanaanada Caanka ah ee Yurub Geenyo ayaa maanta ku laabatay magaalada Hargeysa ee xarunta ...