WAR DEG DEG AH: Alshabaab oo Toogtay dad isugu jira ciyaal iyo Haween

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku toogteen laba ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin, sida maxkamada Al Shabaab ee Degmada Jamaame ay sheegtay.

Qaadiga maxkamada Shabaab ee Degmada Jamaame, ayaa meel fagaare ah oo boqolaal ruux ay ku sugnaayeen kaga dhawaaqay in labadan ruux ay yihiin jawaasiis la shaqeysa Maamulka Axmed Madoobe, sidaasi awgeedna maxkamada ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Labada ruux ee dilka lagu xukumay, sidoo kalena lagu fuliyay oo aanan helin qareen difaaca, maadaama maxkamada Shabaab aysan laheyn qareeno dadka difaaca xukunkoodana uu yahay hal dhinac, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray ragga la toogtay Ibraahim Abuukar Farxaan oo da,diisu aheyd 27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo da,diisu aheyd 26 sano jir.

Ciidamo ka tirsanaa Al Shabaab oo u diyaarsanaa toogashada raggaasi ayaa durba rasaas ku boobay labadii dhalinyarada aheyd oo tiir ku xirnaa, kuwaasi oo ku geeriyooday goobtii.

Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo Dowladaha reer Galbeedka.

Dilalka ugu badan ee toogashada Shabaabka ay fuliyaan ayaa wuxuu ka dhacaa Gobolka Jubbada Dhexe oo Saldhiga ugu weyn Shabaab ku leeyihiin.

Share

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dagaal Kadhacay Sh. Hoose.
- Aug 20, 2017
Cabdullaahi Iimaan Ceynte Afhayeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii shalay ...
Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalkii Cadaado, Xaaladda Caawa, Khasaarihii dagaalka & Taliyihii booliska oo…
- Aug 20, 2017
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo manata ka dhacay magaaladda Cadaado ...
XASAASI: Puntland oo Go’aan ka nixiyay DFS ka qaatay Khilaafka Xulifadda Sacuudiga & Qatar
- Aug 16, 2017
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa go’aan kasoo saaray xiisad ka jirta dalalka Khaliijka ...
DEG DEG: Raila Odinga oo Go’aan Cusub qaatay & Cadeyn muujineysa Inuu ku guuleystay doorashadii…
- Aug 16, 2017
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay go’aankii lag sugayay ee ku saabsan ...
DEG DEG: Diyaarad goordhow kusoo dhacday Muqdisho & Xog lama filaan ah oo laga helayo
- Aug 16, 2017
Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn, ee loo yaqaano “Drone”, ayaa goordhaw waxay ku dhacday ...
DEG DEG: Guddiga Doorashada M/weynaha Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay
- Aug 16, 2017
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshbeeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka ...
FAALLO XASAASI AH:- Rooboow Maxay Shacabka iyo Dowladdu ka filayaan?
- Aug 16, 2017
Inta aanan guda galin dulucda Faallada bal marka hore aan wax ka xusno waan ...
WARBIXIN: Shabaab oo War Culus ka soo saaray Mukhtaar Roobow
- Aug 16, 2017
Sida lagu baahiyay warbaahin la yiraahdo Al-Hijra oo taageerta Al-Shabab waxaa looga hadlay arrimo ...
WAR DEG DEG(SAWIRO)Shilgaari oo dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay wadadii Fusuqa ee Meereysane Garowe
- Aug 15, 2017
Shil gaari oo geystay khasaare ayaa goor dhowayd oo caawo ah ka dhacay wadada ...
Ducaysane “Barlamaanka Puntland waa Burcad Tuugo ah“
- Aug 15, 2017
Agaasimihii Hore ee Hay’adda la-dagaallanka Burcad-badeedda Puntland cabdirisaaq maxammed Dirir(Ducaysane) oo maanta shir jaraa’id ...
DEG-DEG: DAAWO: Mudaharaad xoogan oo loogasoo horjeedo diidmada Shilinka Soomaaliga oo gilgilay Laascaano.
- Aug 15, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=rLsYksxfjww
Daawo Ilkacase Qays oo Wiilka Farxiya Kabayare Dhashay u Gafay Kuna Tilmaamay wecel
- Aug 15, 2017
Fanaanka caan ka ah  ee Ilkacase Qeys ayaa u gafay fananada Farxiya kabayare isagoo ...