Loading...

WARBIXIN: Shabaab oo War Culus ka soo saaray Mukhtaar Roobow

Sida lagu baahiyay warbaahin la yiraahdo Al-Hijra oo taageerta Al-Shabab waxaa looga hadlay arrimo la xariira sababta keenya in Mukhtaar Roobow uu iskaga baxo Al-Shabab.

Qoraal dheer oo looga hadlay arrinta Sh, Roobow waxaa lagu xaqiijiyay inuu jiray khilaaf dhex maray hogaamiyihii geeriyooday ee Al-Shabab Axmed Cabdi Godane iyo Sh, Mukhtaar Roobow oo hadda dawlada Soomaaliya la jooga waxaana warkaan lagu xusay in khilaafku uu soo bilawday sanadkii 2011.

Warkaan waxaa lagu sheegay in markii uu khilaafka soo baxayba hogaanka Al-Shabab ogolaadeen inuu ku noolaado degaanka uu kasoo jeedo ee Abal la yiraahdo oo ka tirsan gobolka Bakool ayadoo loo ogolaaday inuu illaalo ahaan u haysto 30 askari maadaama uu Maraykanka doon doonayay ayaa lagu yiri

Warkaan lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabab waxaa lagu sheegay in 6 sanno ee lasoo dhaafay uu Roobow degaankiisa ku joogay is af garad kala dhaxeeyay maamulka gobolada Bay iyo Bakool ee Al-Shabab waxaana heshiiskaas ka mid ahaa inuu sameyn Karin wax dhaq dhaqaaq ciidan

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in Xarakaddu ogaatay dawladaha Soomaaliya iyo Qatar ay bilaabeen muddo hadda 6 bilood dadaal ay Sh, Roobow uga dulqaadayaan lacag horey Maraykanku madaxiisa u saaray taasoo ugu dambeyntii hirgashay.

Sida warka u qoranyahay Al-Shabab ayaa ku eedeynaya Wadaadkaan dawlada isku soo dhiibay inuu bilaabay wixii markaa ka dambeeyay inuu sameeyo hub iyo ciidan urursi.

Mar qoraalkaan looga hadlayay dagaalkii ugu dambeeyay ee Al-Shabab la galeen Sh, Mukhtaar Roobow waxaa lagu sheegay inuu ku bilowday kadib markii mid ka mid ah illaalada wadaadkaan uu qof ka mid ah dadka degaanka Abal dilay kadib qof ka mid  ah ehelada marxuumka uu dacwooday maxkamad Shabab maamuulaan.

Maxkamada ayaa weydiisatay  Sh, Roobow inuu wareejiyo askariga wax dilay hase waa uu ka dhago adeygay sida warka ku qoran taasoo keentay in ciidamo askarigaas wax dilay soo qabta degaan loo diro waxaana ciidamadu la kulmeen dagaal adag  oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Soomaaliya.

Qoraalkaan ay warbaahinta Al-Hijra baahisay sheegtay inuu Al-Shabab kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dagaalamayaasha Xarakaddu ay hadda ku sugan yihiin degaankii dagaalku ka dhacay ee Abal kana difaaceen ciidamada dawlada ee Sh, Mukhtaar Roobow caawinayay.

Laguma soo hadal qaadin warkaan go’aanka Al-Shabab ee ku aadan wadaadkaan kasoo baxay ee mar noqday hogaamiyaha labaad iyo Afhayeenka Xarakadda.

Ka sokow warkaan Al-Shabab baahiyeen waxaa jiray warar horey u soo baxay oo sheegayay in dagaalamayaasha Al-Shabab ay weerar ku qaadeen degaankii uu Roobow joogay kadib markii ay fashilmeen wada hadalo ay la galeen hogaamiyaal Xarakadda ka tirsan.

Hadal uu warbaahinta ka sheegay Sh, Roobow waxaa uu ku sheegay inuu in muda ahba uu banaanka ka joogay Shabab kadib markii ay fikiradaha isku khilaafeen.

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




DAAWO SAWIRO: Shacabka Somaliland oo u dareeray codbixinta iyo Gobollo ay ku fashilmen inuu shacabka ka codeeyo
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saakay oo Isniin ah waxay u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka, waxaana qof ...
Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta.
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad ...
DEG DEG: General Moorgan oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi &Moorgan oo wacad ku maray in hadii…
- Nov 13, 2017
General Maxamed Xirsi Moorgan ayaa ka hadlay hadal hanjabaad ah oo kasoo yeerayay siyaasiyiinta ...
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland.
- Nov 13, 2017
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland. Ciidamada Gobolka ...
Laascaanood 11-11-2002 Cabdulaahi Yusuf Vs Riyaale iyo Muuse Biixi. Taariikh qoran oo la ilaawi karin.
- Nov 13, 2017
Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale oo wafdigiisana uu kamid ahaa Muuse Biixi ayaa goor Maqrib ...
WAR FARXAD LEH: Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkii ugu Horeeyay ku Qaaday alshabaab iyo Dhimashada oo…
- Nov 12, 2017
Dowladda Federaalka ayaa dhowaan waxay ku dhowaaqday dagaallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab, kaasi ...
Daawo: Xafladii Xalay ee Dj Subeer oo lagu arkay arrin ka Yaabisay Soomaali badan Kadib Markii…
- Nov 12, 2017
Xafladii xalay ee ka dhacday magaalada Gotenburg ee dalka Sweden ayaa kusoo dhammaatay guul ...
Maamo Franko oo Banaanka Keentay Sirta Dahir alasow iyadoo dayax dalnuurshe runta u…
- Nov 4, 2017
maamo franko ayaa markii ugu horaysay kabaha la dulmartay dahir alasow iyadoo sheegtay inuu ...
XOG: Qaraxii Soobe oo la isku heysto & Khilaaf soo kala dhex galay Somalia & dowladaha caalamka sababta ogow
- Nov 4, 2017
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wakaalada somalisun u sheegay in Madaxda dalka ay ...
XOG: Beesha Xawaadle oo Mowqif adag ka Istaagtay Xilka qaadistii Sambalooshe & Go’aan loo Gudbiyay Madaxda
- Nov 4, 2017
Xog gaara oo ay heshay Wakaalada somalisun ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle ay si ...
(SIR CULUS)Donald Trump oo maanta sheegay hadal xanuun ku ah somalia(Muxuu yahay tallow?)
- Nov 4, 2017
DEG-DEG: Donald Trump oo ku dhowaaqay go’aan aan niyad ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo ...
WARDEG DEG AH:oo naga soo gaarey Bariga Bosasso iyo Hogaamiyihi daacish oo la dilay..
- Nov 4, 2017
Maraykanka ayaa goor dhowayd si toos ah u shaaciyay inuu labo weerar oo duqayn ...