Loading...

(TOP SECRET)Qalbi dhagax qaabkii loo qabtay bilow ilaa dhamaad & Kheyre iyo farmaajo oo

Muddo toddobaad ka badan waxaa Soomaaliya aad looga hadal hayaa sheekada Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo dowladda Ethiopia loo gacan geliyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay Qalbi-Dhagax u dhiibtay Ethiopia, hase yeeshee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inuu jiray heshiis u dhaxeeyey isaga iyo Ethiopia. Xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo laamaha kale amniga ee dowladda kama aysan hadlin arrintan.

Si kastaba, baaritaan aan muddo wadnay ayaan xalay soo geba-gebeynay, kuna soo ogaanay xaqiiqda arrintan iyo sida ay waxa u dhaceen.

Waxaa Cabdikarin Qalbi-Dhagax laga soo qabtay 23-kii August 2017, hotel ku yaala magaalada Gaalkacayo, waxaa soo qabtay ciiddnaka NISA ee maamulka Galmudug, waxaana lagu soo xirtay guri qarsoodi ah oo ku yaalla magaala madaxda ku meel gaarka ee Galmudug ee Cadaado.

Waxaa arrintan isla ogaa taliyaha NISA xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Taliyaha sirdoonka gobolka Banadir Saadaq Cumar John oo ahaan jiraya taliyaha NISA ee Galmudug xiligii madaxweyne Xasan Sheikh.

Intaas kadib Saadaq Cumar John wuxuu Qalbi Dhagax si qarsoodi ah ugu soo xirtay guri Xamar ku yaalla oo u dhow safaarada Ethiopia. Waxaa markiiba booqasho ugu tagay Qalbi-Dhagax safiirka Ethiopian ee Soomaaliya Jamaludiin ee Muqdisho fadhigiisa yahay.  Safiirka Ethiopia ayaa Xildhibaan Sanabaloolshe ka codsaday in maxbuus Qalbi-dhagax lagu wareejiyo Ethiopia. Xildhibaan Sanbaloolshe wuxuu u sheegay Safiirka in isaga iyo Saadaq John ay ka soo shaqeyn doonaan shaxdii ay Ethiopia ula wareegi laheed Qalbidhagax.

Sanbaloolshe, Saadaq John, iyo General Gabre oo khadka taleefanka ku jira ayaa waxay ku heshiiyeen in Qalbi-dhagax iyo Ethiopia ay wada-hadal ku wada jiraan heeshiisna gaareen. Arintaasna Ra’iisal wasaare Kheyre laga dhaadhiciyo si uu u ogolaado wareejinta Qalbi-Dhagax.

Bisha markay ahayd 25-kii August 2017, waxaa kulan wada qaatay, Taliyiaha Nabadsugida Xildhibaan Sanblaoolshe , Gudoomiyaha gobolka Banadir, General Bashir Goobe, iyo agaasima ku xigeenka madaxtooyada Cabdirisaaq Shoole (Passaport Ethiopian ayuu haystaa). Kulankaas waxaa go’aan lagu gaaray in Qalbi-dhagax lagu wareejiyo safaarada Ethiopia.

Bisha markay ahayd 25- August 2017, waxaa Safaarada Ethiopia ay gacanta ku dhigtay Qalbdhagax.

Waxaa Ra’iisal wasaaraha iyo Sanbaloolshe ay madaxweynaha u sheegeen in nin la yiraahdo Cabdikariin Sheikh Muse oo ahaan jiray ONLF, haddana ka baxay ururkaas uu rabo inuu Djibouti aado, uuna rabo inuu halkaas wada-hadal kula billaabo Ethiopia, si uu reerkiisa oo Ethiopia degan ula noolaado.

Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu weydiiyay Taliyaha Nabadsugida: “Arrinkaas ma xaqiiqbaa? Ninkaas Cabdikariin la yiraahdo ma aragtay, maxuuna kuu sheegay ?

Taliyaha nabad-sugida Sanbaloolshe, wuxuu ku jawaabay: “Madaxweyne,  Aniga ma arag, laakiin waxaan u diray taliyaha nabad-sugida Gobolka Banadir Saadaq, oo arintaas aan u xil saaray isagaana iisoo xaqiijiyay, Cabdikariin Sheekh Muse, waa wadani xor ah, ciduu rabo ayuu la heshiin karaa, meshuu rabo ayuu wadanka kaga safri karaa, ma hor istaagi karno, haduunan wadanka danbi ka galin”

Waxaa markaas qaatay hadalka Ra’iisal wasaaha Xasan Cali Kheyre: “Waxaa tahay Taliyaha Nabad-sugida adaa nooga xogogaalsan, wadankana nabad-sugida aa u talisa ee go’aan gaar”

Waxaa maalintii Sabtida 26 August 2017, Cabdikarim Sheikh Muse laga soo kaxeeyay Safaarada Ethiopia ee Xamar ku taal, waxaana soo kaxeeyay ciidamo dharcad ah oo Ethiopian ah, waxaa laga soo galiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, qeybta Marine Gate ee dhinaca iskool Boloosiya. Waxaa airport-ka gadaal kayimid oo wax ka sagootiyay guddoomiyaha Gobolka iyo agaasime ku xigeenka Shoole, waxaana laga dajiyay garoon milatari oo ku yaalla GebreZeit, Ethiopia.

Fikrad ama ficil ahaan qabashada iyo dhiibista Qalbi-Dhagax, waxaa ka qayb qaatay: Taliyaha Nabad Sugida Sanbalooshe, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Saadaq John, Taliye ku xigeenka Nabad sugida Jaamac,  agaasima ku xigeenka madaxtooyada Cabdirisaaq Shoole, General Bashir Goobe, Safiirka Ethiopia ee Muqdisho Jamaludiin, General Gabre oo taleefanka arintaan ka hagaayay iyo Koofi (waaxda socdaalka iyo baasaborada).

Source Caasimadda.

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




DAAWO SAWIRO: Shacabka Somaliland oo u dareeray codbixinta iyo Gobollo ay ku fashilmen inuu shacabka ka codeeyo
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saakay oo Isniin ah waxay u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka, waxaana qof ...
Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta.
- Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad ...
DEG DEG: General Moorgan oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi &Moorgan oo wacad ku maray in hadii…
- Nov 13, 2017
General Maxamed Xirsi Moorgan ayaa ka hadlay hadal hanjabaad ah oo kasoo yeerayay siyaasiyiinta ...
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland.
- Nov 13, 2017
DEG-DEG: SAWIRRO:- Ciidamada gobolka Cayn oo dagaal xoogan ku qaaday qalabkii doorashada Somaliland. Ciidamada Gobolka ...
Laascaanood 11-11-2002 Cabdulaahi Yusuf Vs Riyaale iyo Muuse Biixi. Taariikh qoran oo la ilaawi karin.
- Nov 13, 2017
Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale oo wafdigiisana uu kamid ahaa Muuse Biixi ayaa goor Maqrib ...
WAR FARXAD LEH: Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkii ugu Horeeyay ku Qaaday alshabaab iyo Dhimashada oo…
- Nov 12, 2017
Dowladda Federaalka ayaa dhowaan waxay ku dhowaaqday dagaallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab, kaasi ...
Daawo: Xafladii Xalay ee Dj Subeer oo lagu arkay arrin ka Yaabisay Soomaali badan Kadib Markii…
- Nov 12, 2017
Xafladii xalay ee ka dhacday magaalada Gotenburg ee dalka Sweden ayaa kusoo dhammaatay guul ...
Maamo Franko oo Banaanka Keentay Sirta Dahir alasow iyadoo dayax dalnuurshe runta u…
- Nov 4, 2017
maamo franko ayaa markii ugu horaysay kabaha la dulmartay dahir alasow iyadoo sheegtay inuu ...
XOG: Qaraxii Soobe oo la isku heysto & Khilaaf soo kala dhex galay Somalia & dowladaha caalamka sababta ogow
- Nov 4, 2017
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wakaalada somalisun u sheegay in Madaxda dalka ay ...
XOG: Beesha Xawaadle oo Mowqif adag ka Istaagtay Xilka qaadistii Sambalooshe & Go’aan loo Gudbiyay Madaxda
- Nov 4, 2017
Xog gaara oo ay heshay Wakaalada somalisun ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle ay si ...
(SIR CULUS)Donald Trump oo maanta sheegay hadal xanuun ku ah somalia(Muxuu yahay tallow?)
- Nov 4, 2017
DEG-DEG: Donald Trump oo ku dhowaaqay go’aan aan niyad ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo ...
WARDEG DEG AH:oo naga soo gaarey Bariga Bosasso iyo Hogaamiyihi daacish oo la dilay..
- Nov 4, 2017
Maraykanka ayaa goor dhowayd si toos ah u shaaciyay inuu labo weerar oo duqayn ...