Loading...

Xog Yaableh oo kasoo baxeysa Shaqsigii ka dambeeyay Xilka Qaadistii Xaaf lagu sameeyay & Afgambi dhicisoobay.

Sida aan horey idinkugu sheegnay Axmed Shariif oo horey looga guuleystay Doorashada Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ka wado ololo uu ku doonayo inuu xilkaas ku fadhiisto isagoo u marayo hab aan sharci aheyn dastuurkana uusan qabin.

Axmed Shariif iyo Liiban Shuluq oo ahaa gacan hayihii Madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Hotel ku yaal Magaalada Cadaado ku qabtay kulan ay isugu keeneen in ka yar 20 Xildhibaan kuwaas oo ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu Axmed Shariif Caawa isku dayey inuu afgambi ku sameeyo maamulka galmudug.

Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas ayaa yiri : ” Axmed Shariif nin la yiraah ayaa caawa isku dayey inuu Afgami ku sameeyo maamulka Galmudug markii uu qol ku xirtay xildhibaano 15 ah” .

Axmed Shariif oo loolan adag la galay Xaaf ayaa howshaan soo bilaabay ilaa xilligii ay doorashada dhacday, wuxuuna garab ka heystaa dowladda Soomaaliya  isagoo adeegsanayo lacag iyo Ciidamo wato ilaa 6 gaari oo kuwa dagaalka ah.

Falka uu Wado Axmed Shariif ayaa keeni doono inuu burburo Maamulka Galmudug, maadaama uu ka shaqeenayo inuu iska hor keeno dadka Walaalaha ah ee ku midoobay maamulkaas.

Dabagal lagu sameeyay tirada ay kala heli karaan labada dhinac ee Cadaado isku hayo ayaa soo ogaatay inuusan jirin hal garab oo heli karo 46 Xildhibaan oo ah tirada xilka looga qaadi karo Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa.

Ilaa 20 Xildhibaan oo ka tirsan Galmudug ayaa ka maqan Magaalada Cadaado, marka  laga reebo tirada guudna waxaan macquul aheyn inay labada dhinac helaan tiro gaareyso 46 midkoodna, maadaama Xildhibaanada ay u kala jabeen laba dhinac kuwa taageersan Xaaf iyo kuwa kasoo horjeedo.

Odayaasha kasoo jeedo Deegaanada Galmudug ayaa ka digay falka uu wado Axmed Shariif oo doonayo inuu mar uun kursigaas ku fadhiisto isagoo aan fiirineyn danta Galmudug iyo shacabka deeganadaas oo aan xilligaan diyaar u aheyn dagaal sokeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga baahan yahay inay arrintaan xal ka gaarto, isla markaasna ay ka fogaato inay qaado tallaabo dadkaas walaalaha ah iska hor keeni karo, wax kastana lagu dhameeyo wadahadal iyo miiska korkiisa intii dhinac lala safan lahaa sida ay sheegeen Odayaasha dhaqanka Habargidir oo maanta kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Share
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




XOG XASAASI AH :Yaa ka dambeeyey qaraxii sida weyn loogu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zope?
- Oct 17, 2017
Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ayaa ku dhimatay qaraxii labo cisho ka hor ...
WARBIXIN: Gen. Cirfiid & Wasiir C/rashiid Is Casilaadoodii Kadib Maxaa Amniga Faraha Ka Bixiyey?
- Oct 15, 2017
Taliyahii Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa Khamiistii duhurnimadeedii Xilka iska Casilay ...
Golaha Kismayo, Golaha Cadan-Yemen & Golaha Dubruq ee Libiya! Maxaa ka dhexeeya?
- Oct 12, 2017
Taariikhda Ummaduhu waxey u Qoraan una Akhriyaan Cibro iyo Waano qaadasho sida; in laga ...
Dib u akhriso Taariikhda Calanka Soomaaliyeed
- Oct 12, 2017
Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka ...
(SAWIRO)Booliska Kenya oo aan waxba ula harin dibadbaxyada Mucaaradka iyo Dowlada oo amar kusoo rogtay sadex magaalo oo…
- Oct 12, 2017
Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo lagu qabto gudaha saddex magaalo oo waaweyn oo ...
Naxdin: Mucjiso la tusay Gabar Xalay Waraysi ka Qaaday Ninkii Qowmu Luudka ahaa ee Live-ka soo Galay
- Oct 10, 2017
Daawo Muuqaalka Gabadha oo ka Sheekaynaysa waxa ku dhacay. https://youtu.be/qoiczoL4N_s
Shirkia Kismaayo: Waxa uu ka jawaabayaa qorshihii qeybi oo xukun
- Oct 8, 2017
Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu maalinta Isniinta si rasmi ah uga furmo ...
QORMO: Shirka Kismaayo, Imaaraadka Carabta iyo qarannimada Somalia
- Oct 8, 2017
Magaalada Kismaayo waxa isugu tagey madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo hadda u dhaqmaya sida ...
Muuqaalka Soomaaligii Weerarka ka geystay Canada oo la shaaciyay
- Oct 3, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa sheegay inay eedo dhinaca argagixisada ah kusoo oogi doonaan nin ...
XOG: Xisbiga Damu-jadiid oo Doonaya inay mar kale Madaxweyne ka noqdaan Galmudug
- Oct 2, 2017
Damu-jadiid ayaa dooneysa inay ka faa’iideystaan xiisada ka taagan Galmudug, iyagoo xildhibaanada maamulkaasi ku ...
XOG: Ciidamo Shariif Xasan ka socda oo Raadinaya Xildhibaano Mooshin wada
- Oct 2, 2017
Warar naga soo gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa ...
”Hadii Muqdisho tagitaankeeda uu dhib keenay mar kale sooma laabaneyso”ayay tiri Fanaanada Yurub Geenyo.
- Oct 1, 2017
Fanaanada Caanka ah ee Yurub Geenyo ayaa maanta ku laabatay magaalada Hargeysa ee xarunta ...